Thursday, April 12, 2007

Maxaan u baahantahey si aad u sameeyso shabakadda Internetka

Maxaan u baahaney si aad u sameeyso shabakadda Internetka


Dad badankood ma fahansana oo waa su'aal jawaabteedu mucjizo dadka qaarkood ula egtahey taasoo ka hor taagan iney bisniskooda u sameystaan shabakadaha Internetka lagala soo xariiri karo. Waxaan rabaa inaan maqaalkan kuugu sharaxo qalabyada kala duwan iyo isku habeynta aad howlo gelineyso marka aad horkac ugasho sidii aad shabakadaada u soo bandhigi leheyd.

Qalabkaagu waa inuu yahey liiskan.-kumbuyuutar (inaan tan liiska ku daro maba aha)
-Internetka (highspeedka ayay howshan ku fududtahey)
-feylalka shabakaddu ka koobnaaneyso (masawirro, aqris qoraalo ah)
-Borograamyada shabakadaha lagu dhiso (ama Notepad haddii aad gacanta ku qoreyso)
-Borogaraamyada laga arko Internetka (Web browsers, such us Internet Explorer, Firefox etc.)
-Boos ku yaal Hooyga Shabakada Internetka ( Web Hosting space)
-Macag Shabakadaada (Domain Name) sida www.yourcompany.com <--fadlan dhag ha siin linkigaas
-Borogaraamyada aad Howyga Shabakada kula xareyso feylalka shabakaddaada (FTP Upload software)

Anigoo hal hal usii sharaxaya ayaan rabii in aan ka bilaaba waxa ugu muhiimsan oo aad la'aantiis waxba far u qaadi karin. Waa Kumbuyuutarka.

Kumbyuutarka.
Inkastoo dadka badankiis ogyihiin in shabakadaha internetka yihiin kuwo kumbuyuutar lagu diyaariyo, balhadana dad badan baan arkay ii hadda ka hor i su'aaley.

Internetka oo aad ku xirantahey
Si aad igu xirto amaba u gaarto dadka kuu daabacaya shabakaada, waa inaad awoodo in kumbuyuutarkaaga aad iyaga kala xiriiri karto. Taasi waa mid laga maarmaan ah markii aad diyaar u tahey in aad daabacdo shabakadaada adigoo feylalka u gudbanaya Kumbuyuutarrada mashruucyada shabakada internetka soo bandhiga.

Feylalka shabakadaada ka koobantahey
Shabakadda waxa ay ugu badnaantii ka koobantahey labo qaybood. Qayb ah feylalka qoraallada ah, iyo qayb ah waxii masawirro. Qaybta qoraalka ah aya usii kala baxa qoraalka aad u qorto si dadku u aqriyaan adigoo ku bandhigaya waxa aad ula jeedo shabakaada, iyo kuwa qoraaladaas bandhigooda loo qoro oo la yiraahdo HTML. HTML waa luuqad loogu talagaley in borograaamda dadku feylalka internetka ka dhex arkaan (web browsers, Internet Explorer, FireFox etch) ey fahmaan si ay usoo bandhigaan qoraallada aad daabaceyso. Qaybta ah masawirrada waa tilmaamayaal aqristahu qoraalladaada la xariirinayo oo shabakaada qurxinaya. Waxaa ugu internetka ugu badan masawirada elektaroonika ah kuwa magacoodu ku dhamaado .jpeg iyo .gif.

Si aad usameyso bogagga shabakadaada waad isticmaali kartaa borograamka farta lagu qoro sida NotePad oo la imaada Windows xp, laakiin waad inaad garaneyso sida loo qoro HTML. Ma adka qoritaanka HTML oo wax si dhaqso leh aad ku baran kartid.

Haddii qoritaanka HTML-ka uusan aheyn mid aad ku dheereyso, waxaad heli kartaa borogaraamo aad u fara badan oo loo yaqaan Web Side Builder (Shabakado dhise) ama HTML Editor. Waxaad ka soo duuban kartaa www.download.com oo ah shabakad keydisa borograamyada bilaashka dadku ku duubtaan.

Borograamyada kale ee lagama maarmaan noqonaya waa kuwa aad ku bedbedeli karto masawirada. Masawirada waa iney yaryar yihiin si aqristaha bogaagu horey uga arko markey shabakaada soo booqdaan. Sidaa darteed, haddii masawirro aad kasoo xareysato Kaamiro, waxaad isticmaaleysaa borograamyada masawirrada in lagu bedello loo dhisay. Waxaa ka mid ah Adobe Photoshop, Corel Draw amaba waxaad isticmaali kartaa Paint oo layimaada Windows XP.

Borogaraamka Inernetka Laga Dhex arko (Web Browsers)
Marka walba oo feylalka aad bedeleyso waa inaad aragtaa sida ey ekaanayaan. Marka si aad u tijaabiso waa inaad isticmaashaa borograam feylka kuu tusuya sida dadka aqrin doona u arkaan. Internet Explorer oo la yimaada Windows ayaa ugu fudud yahay helitaankiisu maadaama uu san kaaga baahaneyn inaad soo duubato ama gadato. Waxaa kaloo jira Netscape and Opera. Netscape oo suuqa lasaarayo ayaa waxaa lagu badeley FireFox oo ah Mid laga sii suubiyay borogaraamkii Netscape bilaawgii lagu bedeley oo layiraah Mozilla. Kulligood Internet ayaad ka duuban kartaa inkastoon filayo in Netscape hadda lacag yahey weli.

Hoyga Shabadaha lagu xareysto si loo daabaco (Web Host)
Markii aad shabakadda diyaariso waxaad ku keydineysaa kumbuyuutar Internetka ku xira 24 saac maalinkasta. Mashruucyada kaa iibiya boos aad feylalkaaga ku xareysato si aqristahaagu u helo markasta oo ey baahdaan ayaa waxaa loo yaqaan Web Host. Web oo ah Internetka iyo Host oo timaamaya booska Kumbuyuutarka.

Haddi aadan bisnis uga tala gelin shabakaada, waxaad isticmaali kartaa mashruucyo bilaash kugu siinaya boos aad feylalkaaga ku xareysaneyso. Tusaale ahaan, waxaad boos akoonto ka furan kartaa GeoCities.com Earthlink.com, Yahoo.com, inkastoo ay bogagga shabakaddaada dhiganayaa xayeysiino waa weyn afarta geesood. Waa arin aadan u adkeysan karin haddii shabakaddu tahey mid bisniskaaga ku bandhigeysid.

Haddii bisniskaagu yahay mid shabakaddaadu siineyso wax kaalma ah, waxaa wanaagsan inaad gadatto web host aad wax yar oo lacag ah ka bixineyso, adigoo ka helaya waxyaabo badan oo kuwan hoos aan ku qoray ay ka mid yihiin.

1. Shaqaale ku caawiya
Mararka qaarkood waxaad arki kartaa bogaaga oo qaladyo muuqaalkiis haleeya ku jiraan oo aadan gareneyn waxa keeney. Shaqaalaha Web Host-ga ayaa ku fahansiin kara waxii qalad ah oo marna kuu sixi kara iyagoo sidoo kale ku caawinaya haddii aad dooneysa caawinaad dhanka feyl kuxareynta web host-ga.

2. Shabakad Diyaar ah (web Templases)
Mashruucyadu si ay kuu soo jiitaan waxa ay kuu diyaariyeen shabakad diyaar ah oo u baahan inaad masawiraada iyo qoraaladaa geliso. Waxay taa kuu suurto gelineysaa in howsha ay kuugu koobanto in bisniskaaga waxii quseeya kala ku howlanaato. Haddii aad aragto shabakada internetka, ogsoonow in boqolkiiba sagaashan (90%) laga bilaabay shabakada diyaarsan.

Haddii aad awooda bisniskaaga waxaa ku fiican web host aad lacag ka bixiso. Waxa ay sida badan gaarayaan ku dhowaad $20 ilaa iyo $35 bishiiba taasoo ah mid aad quurto haddii bisniskaagu u baahanyahay.

Kadib markii aad hesho mashruuc(web host) kaa caawiya dhanka daabicidda interneka, waxaad durbo is weydiineysaa sidee dadku kugu soo gaarayaan.

Kumbuyuutar kasta oo internetka lagu xiro waxaa kooxda ISP-da (Kuwa kusiiya Internetka Guriga ama Internetka siiya web hostigaaga) ay kumbuyuutarkaa siineysaa number lagu ogaado meesha uu yaalo (geographical location) waxuuna caawinaad ka geystaa isku diritaanka feylalka. Kumbuyuutarkaaguna wuxuu ugu baahanyahay si kumbuyuutaradda kale ee internetka ku xiran ugu soo diraan feylalka uu ka duubanayo. Numbarkaas ayaa loo yaqaanaa IP address (ama Internet Protocol Address)

Waxaa jira mashruucyo kuugu bedelaya numberka kumbyuutarka (IP) mid qoraal ah oo loo yaqaan Domain Name address. Domain Name run ahaantii waa addresska internetka ee shabakaada lagu imaan karo. Tusaale,

247.148.137.121, ama 192.168.0.1 waa IP address
www.msn.com waa Domain Name
www.google.com waa Domain Name

Maadaama dadku fahmi karaa www.cnn.com oo ku adagtahey iney xasuustaan 247.148.137.121, waxaa fudud in aad isticmaasho www.yourcompanyname.com. Haka walwelin laakiin, inaad hesho domain name adigoo ka gadan kara web host-gaaga oo weliba layimaada lacagta aad kabineyso booska keydinta feylalka shabakaada.

Waxa kale oo la imaanaya hoyga shabakadaada email iyo meel aad ka aqrisan karto. Fadlan iska fiiri waxa lagaa gedeyo adigoo raadinaya in email waxa lagaa gedayo ku jirto. Emailkaaga ayaa u ekeaneysa yourname@yourwebsite.com, ama sales@yourwebsite.com ama magac ku dhamaanaya @yourwebsitename.com

Marka intaa waxaan rabaa inaad ku soo gunaanado maqaalkan, anigooba filaya inaad waxey taheyba wax ka fahmeeyso. Si kastaba, waxaad u baahantahey, shabakadda diyaarinteeda iyo mashruuc kaa caawinaya sida aad internetka ugu soo bandhigato shabakaada haddii aad bisinis kala jeedo, ama web host bilaash ah haddii aad ka xishooneyn in dadku arkaan masawirro aan bisniskaaga shuqul ku leheyn.

Fadlan waxii faalo ama su'aalo ah iigu soo dir blog-geyga ama emailka agabeyre@gmail.com -


Haddii aad doneyso mashruuc kaa caawiya dhanka daabicidda shabakaddaada fadlan ku fakar in aad dooratto Netfirms.ca ama Netfirms.ca oo ah koox caalami ah oo raqiis ah.

Sideen u helaa meel mashruuc iga caawiya daabicidda dhanka Internetka


How Can I Find a Good Web Host?

Waxaad heysataa shabakad internetka u dhisatay, waxaad raadineysaa masruuch keydiya shabakadaada oo internetka koorkasta laga heli karo. Laakiin waxaa tirada ka badatey mashruucyo noocaas ah (haddii aad isku deydo inaad ka raadiso internetka kooxo hooy aad kaga dhigto shabakaddaada, waxaad heleysaa malaayuun isku wada nooc ah waxyaabo yaryarna ku kala duwan. Sida ay isugu egyihiin waxay mustaxiil kaaga dhigeysaa inaad kala garato, iskaba dhaaf in aad fahanto waxa aad adigu kaga baahantaheye. Anigoo kuu diyaariyey waxyaabaha aad ka fakari karto marka aad dooneyso inaad doorato hoyga shabakadaada, waxaan kalaa kuugu soo daray maqaalkaan mashruucca aan u arko midka ugu wanaagsan oo ku anfici kara. Balhadaba sii aqri maqaalkaa.

We'll start with the practical reality: how much can you afford to spend on a web host?

Waxaan ka bilaabayaa, meeqo lacaga ayaad u awooddaa inaad geliso hoyga shabakaddaada?
Haddii aad ku jawaabtey, "ma rabo iney lacag iga baxbo", sidaa ha ahaatee, ha umaleeyn inaan wax kuu heyn. Waxaa jira mashruucyo bilaash ah.

1. Sida ugu fudud waa inaad shabakaddaada ku shubatto hoyga kooxda aad ka heysato Internetka Gurigaaga (your ISP Internet Service Provider). Maadaama aad bixiso lacag oo Internet bilwalba ka bixiso, kooxaha ku siiya Internet guriga waxa ey kuu hayaa kumyuutar ay kuugu xaraynayaan waxii shabakada iyo feylalka ah ee aad dooneyso inaad ka daabacdo Internetka.

Waxey kuu hayaan waxaa ka mid ah.

  • In kooban oo uu kuu deeqda waxaa ka yar 5 to 25 megabytes - waa mid ku filan web site yar oo ku jiraan masawirro iyo qoraallo. Laakiin waxii maqallo (music, audio such as news audio etc) ma ku filna
  • Adreeskaaga internetka oo hoos imaanaya ayaga, tusaale, http://www.yourisp.com/~akoontigaaga


Inkastoo ku anfici karto intaas, waxaad ogaataa in waxyaabo badan kaa mamnuucayaan. Waxaadan shabakadaada raacin karin waxii dhaqdhaqaaq u yeelaya oo shaqaaleynaya bogaaga sida waxii ku quron java skiript, waxii kumbuyuutarkooda ku dhex daarmi kara (serverside script) sida ASP, PHP, Pearl, ActionScript iyo waxii la mid ah. Sidoo kale, waxay kugu koobayaan in dhaqdhaqaaqa dadka boggaaga soo gaaro yareeyaan si dadka kale oo ay internet ka gadayaan hoygoyda u soo gaaraan oo aadan safkaas ka dhex gelin kana aadan cariirin. Maadaama dad badani ka heystaan internetka, waxay yareenayaan wax kaabaha ay bilaash kugu siiyaan si ay ula ekaada waxyaabaha ay hayaan tirada dadkaas oo dhan.

Inta aanan ka gudbin ayaga, ogsoonow in badankood iyagana diyaar kuula yahiin hooy kugu filan haddii aad bixineyso lacag oo aad hooy shabakadaada ugu gadaneyso.

2. Hooy Bilaash ah oo Internetka laga helo. Waxaa badan mashruucyo bilaash kuugu bandhigaya shabakadaada. Kuwaas oo kuwa ugu caansan yihiin GeoCities, Yahoo, ayaa Waxey laakiin kulli isaga mid yihiin in ey sida kooxda Internetka guriga ay kugu yareynayaan booska aad wax dhigan karto iyo waxyaabaha kale oo aan kur soo sheegay. Kuwaa waxaa ka mid ah. Waxaa intaa kuugu sii xaribayaan iyagoo saamo waawey kor ama hoos ku dhajinaya shabakadaa, taasoo dadka badankood ay kuu arki karaan inaad tahey qof aan diyaar u aheyn inuu muuqaalkiisa cusleeyo ama qurxiyo maadaama astaamahoodu ka duwanyihiin qaabka iyo muuqaallada boggagaaga shabakaddaadu ka kooban tahey. Ha moogaan, sidaas waxay ula jeedaan inaad lacag siiso si ay kuugu bedelaan hooy sax ah oo adigu lacag ka bixiso, iyagoo kadibna kaaqaada waxii xanibitaan ku ah shabakaada oo ay ku hayeen.

3. Kumbuyuutarkaaga oo aad ka dhigan karto hooyga shabakadaada.
Haddii aadan ka cabsaneyn in dadka bogagga shabakadaada aysan faraha kabaneyn,aadna leedahay internetka guriga nooca ah highspeed ama mid aad si dhaqso badan internetka wax kaga fiirsato, waxaad kumbuyuutarka u deyn kartaa inuu daarnaado goor kasta. Kadibna, waxaad gadaneysaa numberka kumbuyuutarrada internetka ku xira (static IP address). Waxaad u baahan cilmi sii dheer si tanoo kale aad u howl geliso taasna ma ahan mid aan aad ugu sii dheeraanaya anigoo ka cabsanaya inaa hurdo kugu rido maadama ay jiraan boqolaal maqaal oo kuu sharaxay sida taa oo kale loo habeysto. Karaadi internetka IP Address and Windows Server si aad usii aqriso cilmigaa.

Haddii aad xitaa ku guuleysato in aad howlgelo kumbuyuutarkaaga, waxyaabo badan baad arkeysaa iney lid kugu noqon karaan. Midda koowaad, waa mid dadka badankood dhibeysa in kumbuyuutarku daarnaan karo had iyo good. Caruurtaada ayaa iska demin kara, korontada yaa kaa tegi karta, kumbuyuutarka ayaa kaahaabi kara oo virus saameyn kartaa, amaba qeyladiisa ayaadan ka seexan karin. Waxaa kale oo aan ogoleyn inaad kumbyuutarkaa hooy shabakadaada uga dhigto kooxaha ku siiya internetka guriga. Waa diidanyihiin shaqadaas iyagoo ay ka gaabineysa dhaqso siinta internet guriga dadka kale oo ay lacagta kaqaadaan. Markasta oo aad internetka guriga gadaneyso waad arka kartaa qoraallada aha policieska oo ay kuugu sheegayaan inaadan daaran karin borograamyada ka dhigayaga kumbuyuutarkaa hoyga shabakadaha daabacca ee internetka.

Ilaa iyo hadda waxaan ka hadley sida aad ugu heli karto shabakaddaada hooy bilaash ah oo aad ku daabacatto internetka. Markaan waxaa u gudbayaa sida aad u heli karto mashruucyada caalamiga ah haddii aad u diyaar tahey inaad lacag la baxdo.

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan inkastoo ay adagtahey sida lagu kala ogaado nooc yadaan maadamaama mashruucyada badankood aysan shabakadooda kuu sharaxeyn. Balse aan halkaa kuuga kale dhigo.

A) Hooy isla wadaag u dhisan.
Hooy isla wadaag u dhisan waa mid aad ku heli karto raqiis oo ku siinaya boos aan saa u badneyn, dhaqdhaaqa dadka ku soo gaara oo xisaabsan. Kooxa ku siinaya hooyga isla wadaaga ah ayaa waxa dhan oo ay ku howlanyiih tahay geditaanka boosaska daabicidda internetka, sidaa darteedna aad iyo aad u ah kuwa ku dheeraaya sida habeynta boggaaga, dhaqso ugargaarka haddii wax dhinaca teknikaal aad u baahatto ama dooneyso macag addreeskaaga gaar u ah sida http://yourcompany.com iwm.

B) Hooy gaar laguugu howl geliyo.
Haddii aadan dooneyn in lagula wadaago hoyga shabakaada internetka kuu daabacaya, waxaa hooy gaar kuu ah laguu howl gelinayaa adigoo wax shaqo ah ka qaban shaqooyinka lagu hayo kumpuyuutarka feylalka shabakaddaada ku keydsanyiih, borogaraamyada kumbuyuutarku ku shaqeynayo, iyo waxii teknikaal ah oo gaar u ah dhismahaas. Noocaan waa kan u qaalisan oo aad dooran karto, laakiin badankoo waxay kuu suurto gelinayaan inaad internetka ku daabici karto barnaamijyada ah video streaming, cajalada fiidiyoowga laga daawado internetka, dhaqdhaqaaqa dadka boggaga shabakadaa imaada oo gaari kar boqolaal kun oo isku mar wax ka daawanaya iyo wax kasta waxii ugu adag oo internetka lagu sameynkaro.

C)Hooy aad adigu howl gashaneyso.
Waxaad gadaneysaa Kumyuutarka nooca xareeya, daabacana, shabakada internetka. Waxaad kale oo gadaneysaa ku xiridda internetka, waxii kale oo ah fiilooyin iyo koronto ah oo ay ubaahan tahey, ijaarka meesha aad ku keydineyso alaabta oo dhan. Waxa aad u baaheynaa dad yaqaana isku xir xiritaanka oo ka shaqeysiiya kumbuyuutarka. Haddii aad isku daba ridi karto howshaan oo kale, waa mid aad iyo aad kuu siineysa waxii kontorool ah oo aad u baahantehey, in kastoo qof gaar u ah inuu sameyn tiisa iyo ilaalintiisa had iyo goor diyaar u ah aad u howl gelineyso.

Anigoo intaa ku soo gaba gabeynaya maqaalkan, ayaan hadana rabaa inaan kuu sheego koox aan rabo inaad haddii aad u baahan tahey hoyga shabakadda internetka ay kuula diyaar yihiin iney hooy kugu siiyaan lacag yar oo ah $4.95 bishiiba. Kooxdaan oo degan Canada ayaan jeclaan lahaa inaad fadlan hal mar gaarto si aad u aragto waxyaabaha aan maqaal kaga hadlay nooc ka mid ah oo ay kuula diyaar yihiin adigoo xitaa ka sii dhigan mid aad wax ka barato.

Waad mahad santihiin dhamaan, waxii faalo ama fartiimo ah kusoo hagaaji agabeyre@gmail.com ama ACBS ayaamaha iyo Codka beesha